Home Wararka Maanta Kalfadhiga Baarlamaanka oo beri Furmaaya iyo Xasan shiikh oo kala furfuraaya mooshin...

Kalfadhiga Baarlamaanka oo beri Furmaaya iyo Xasan shiikh oo kala furfuraaya mooshin ka dhan ah Xamsa

0

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay, maanta ilaa caawa qaabilay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka isagoo u qaabilay beel beel.

Madaxweynaha ayaa saddex qodob ka hadlay. Xildhibaannada beesha uu isagu matalo wuxuu xalay kala hadlay dagaalka argagixisada in lagala shaqeeyo, sidoo kalana ay dajiyan buuqa Baarlamaanka, isagoo ku yiri Baarlamaan aaddan adigu hormuud u aheyn ma kici karo ee kaalintiina qaata, sidoo kalana xildhibaannada beellaha kale ee tabashada qaba xalkooda igala shaqeeya.

Xildhibaannada beellaha kale wuxuu madaxweynuhu kala hadlayay kacsanaanta Baarlamaanka, sida ay muhiim u tahay xasiloonida Golaha iyo inuu albaabkiisu furanyahay, isagoo laga dheehan karay sida uu u qirsanyahay culeeska Baarlamaanka ee xilligan waa sida ay sheegeen xildhibaannadii tagay kulamadan.

Xildhibaannada kulamadan tagay waxay qaar sheegeen inuu madaxweynuhu ku cel celinayay muhiimada ay leedahay inuu Baarlamaanku si degan ku furmo berri, kadib markii ay maalmahan soo bateen wararka sheegaya iney xildhibaannada qaar qorsheynayan iney berri fowdo kiciyan markii uu madaxweynuhu isku dayo inuu hadlo.

Kulamadan uu madaxweynuhu la qaatay xildhibaannada labada Aqal ayaa la aaminsanyahay iney keeni karto inuu Baarlamaanku berri si degan ku furmo, laakiin tilaabadan wax badan kama badali doonto mooshinka xukuumada oo la qorsheynayo in Baarlamaanka la geeyo Ramadaanka kadib.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Saacada Badan kadib Dib U qabsaday Degaano iyo Degmo Shalay laga Saaray
Next articleCiidamada Danab oo So Bandhigay Dhoola tus Dalal badan ka yaabeen