War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada dowlad goboleedka Jubaland ayaa la sheegay in lagu hakiyey duulimaadkii garoonka diyaaradaha magaalada Raas Kambooni ee gobolka Jubada Hoose, waxaana digniin loogu diray shirkdaha diyaaradaha.
Jubaland ayaa sheegtay in amarkani si gaar ah ugu socdo shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya, maadaama xaalad colaadeed ay ku jirto magaalada Raas Kambooni.
Sidoo kale, digniinta ayaa lagu sheegay diyaaradii u hogaansami weyda inay qaadi doonto masuuliyadda wixii ka dhasha.
Wasaaradda ayaa hadalkeedi intaa ku dartay in shirkaddii ka dhaga adaygta digniintan in iyada ay qaadi doonta masuuliyada wixii ka dhasha xaaladaha saan saanta colaadeed ee degaankaasi ka taagan.
Ugu dambeyn warqadaan kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka waxaa ay fartay in dhamaan shirkadaha diyaaradaha inay u hogaansamaan digniintan, kana fogaadaan inay wax duulimaad ah ka sameeyaan aagaas, si loo ilaaliyo badqabka dadka iyo hantida Soomaaliyeed.