Ciidamada Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markiiĀ maleeshiyaadka kooxda ay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo-xaaji, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Ciidamada daraawiishta ayaa saaka isku fidiyay aagga Buulo-xaaji, waxayna beegsadaan goobo lagu tuhamayay maleeshiyaadka Al-Shabaab, si ay uga jawaabay weerarka.
Howlgalka oo weli sii socda ayaa lagu warramayaa in ay barbar socdaan iska hor imaadyo ay kala kulmayaan xubnaha Al-Shabaab oo weli ku xoogan halkaasi.
Saraakiisha ciidanka Jubbaland waxa ay sheegeen inay sii dhaqaaqi doonaan, si kooxda looga fogeeyay aagga magaalada Buulo-Xaaji oo dhawaan uun laga xoreeyay.
Weerarkii shalay oo ahaa mid xoogan ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen inay ku dileen 3 askari, kuna dhaawaceen 9 kale, balse ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Jubbaland.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dagaalka keli ku noqdeen ciidamada Jubbaland, kadib markii dhowaan maamulka uu sheegay in ciidamada dowladda ay kasoo baxeen furimaha hore, iyaga oo arrintaas ku eedeeyay hoggaanka Villa Soomaaliya.
Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa waxaa haatan soo kala dhex-galay khilaaf salka ku haya doorashooyinka, kaas oo sababay in Jubbaland ay xiriirka u jarto dowladda dhexe.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka