Home Wararka Maanta Jubaland oo War kasoo Saaratay Go,aankii Lagu Fasaxay Xildhibaanada Ceelwaaq

Jubaland oo War kasoo Saaratay Go,aankii Lagu Fasaxay Xildhibaanada Ceelwaaq

0

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu guddoonka golaha shacabka ku adkeeyay sharci ahaanshaha mudaneyaasha golaha shacabka ee deegaan dooraahadoodu tahay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in xildhibaannada lagu soo doortay Ceelwaaq ay doorashadoodu u hannaan waafaqsan shuruucda dalka iyo tan doorashooyinka qaranka ayna ku faraxsanyihiin in matalaaddii bulshada gobolka Gedo ee 16-ka Kursi ay dib usoo laabato.

Qoraal ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey go’aan laga qaatay murankii ka taagnaa Xildhibaanada laga soo doortay gobolka Gedo, waxaa guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ay shaaciyeen in 16-kii xildhibaan ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ay yihiin xildhibaanada saxda ah ee meteli doona gobolka Gedo.

Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay inay go’aankan ay saldhig uga dhigeen maadaama xildhibaanada doorashadoodu ka dhacday degmada Ceelwaaq lagu soo doortay hab waafaqsan habraaca doorashada ee Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Heer Federaal.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo booqasho ugu tagay guddoomiyaha golaha shacabka +Sawiro
Next articleFarmaajo oo Ku Dhawaaqay inu Markale Musharax Madaxweyne Yahay Baaqna Diray