Home Wararka Maanta Jubaland oo si lama filaan ah ugu jawaabtay Hadalkii Shalay ee raysulwasare...

Jubaland oo si lama filaan ah ugu jawaabtay Hadalkii Shalay ee raysulwasare xamse

0

Maamulka Jubbaland ayaa ka soo jawaabay hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta ka sheegay wasaaradda gaashaandhigga ee khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland uu kaga hadlay, isla markaana ugu hanjabay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Xamsa Barre  ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu ka baxay heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu saxiixay, kuwaas oo dhigayey in la mideeyo guddiga doorashada maamullada iyo dowladda federaalka, iyadoo dalka oo dhan laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka Warfaafinta ee Jubaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in dastuurka Jubbaland uu qabo in ay iyagu qabsan karaan doorasho, isagoo aad u dhaliilay hadalkii maanta ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiir Cabdifitaax Mukhtaar ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha ra’iisul wsaaraha, isagoo sheegay in dalku yahay federaal waxa laga wadahadlayana ay tahay in ay noqdaan wax loo wada dhanyahay.

“Shirka Wadatashiga Qaranka ee aan ka qeybgalnay aragtida ay gadayeen xilligaas kuma aysan qanacsaneyn Jubaland, waana ay qaadacday shirkaas, marka waxaba kama jiraan hadalka Xamse oo sheegay in Jubbaland saxiixday heshiiskaas,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdifitaax.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u cadeysay doonisteeda ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse uma muuqato in go’aankaas uu ka hirgelayo Kismaayo, sida ay qabaan dadka ka faalooda siyaasadda gudaha, maadaama Axmed Madoobe uusan ogoleyn doorasho furan.

Jubaland ayaa horay u caddeysay in doorasho qof iyo cod ah aysan suurtagal ahayn inay ka dhacdo dalka, iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe uu si cad uga baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee ugu dambeeyey, kaas oo hal sano loogu kordhiyey madaxda dowlad goboleedyada, waxaana soconeysa halkaas sano diyaarinta doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah.

Jubbaland ayaa xiriirkii wadashaqaynta u jartay dowladda federaalka ee Soomaaliya intii uu jiray khilaafkaan, waxaana socda dadaalo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac in kastoo aan wax xog rasmi ah aysan wali ka soo bixin dadaalada socda oo siyaasiyiin ka soo jeeda Kenya ay wadaan.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa habeen ka hor ku dhawaaqay in 25-ka bishaan ay qaban doonaan doorashada madaxweynaha, halka maalmaha ka horeeyana ay ka shaqey doonaan xulashada baarlamaanka, doorashooyinka guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, waxaana toos loo guda galay shaqada.

Ad
Previous articleOdawaa yusuf Rage oo Xilka la Wareegay Wacadna ku Maray inuu Alshabaab….
Next articleFahad oo Ka hadlay Khilaafka adag ee haatan ka dhex taagan xamse iyo axmed madoobe