Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu caddeeyay mowqifkooda ku aadan go’aannada xasaasiga ah ee xalay kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka oo lagu go’aamiyay muddo kororsi 1 sano ah oo loo sameeyay madaxda dowlad goboleedyada, si dalka looga qabto doorashoo toos ah.
Jubbaland ayaa si cad u diiday muddo kororsiga lagu dhawaaqay, waxayna sheegtay in iyadu aanay qayb ka noqon doonin heshiiska la gaaray.
Sababta ay ku diiday muddo kororsiga waxa ay ku sheegtay in halkii sano ee hore loogu daray maamullada dalka aanay waxba ka fulin waxyaabihii lagu heshiiyay, isla markaana tallaabada hadda la qaaday ay dalka u horseedi karo firaaq dastuuri ah.
Sidoo kale waxa ay Jubbaland shaaca ka qaaday in maamulladu ay iyagu u madax bannaan yihiin doorashadooda, sidaas darteeda ay doorashada Jubbaland ku dhici doonto waqtigeeda.
Ad