Home Wararka Maanta Jubaland oo ka hadashay Dagaalka looga Saaray Magaalada Baardheere

Jubaland oo ka hadashay Dagaalka looga Saaray Magaalada Baardheere

0

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa war qoraal ah kasoo saaray dagaal culus oo saaka ka qarxay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in weerarka ay soo qaadeen ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayna beegsadeen xarunta maamulka degmada, sida lagu sheegay qoraal uu goordhow baahiyay Telefishinka ku hadla afka maamulka Jubbaland.

“Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud oo weli wada hagardaamo iyo kala qeybin ay ka dhex wadaan bulshada reer Jubbaland ayaa saaka waaberigii dagaal kusoo qaaday xarunta degmada Baardheere oo ay ku sugnaayeen maamulka degmada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay in weli xarunta degmada ay ku sugan yihiin ciidamadooda, balse dagaalku uu weli socdo, iyagoo ku dooday inay iska caabinayaan weerarka lagu soo qaaday.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in xarunta la weeraray ay tahay goobta loogu adeego bulshada reer Baardheere, ayna arrintaasi tahay wax laga xumaado.

“Xarunta ay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisu dagaalka kusoo qaadeen waa halka loogu adeego bulshada Baardheere, taasoo muujineysa in uusan dan ka lahayn shacabka, balse uu leeyahay dano shaqsi ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aaddan dagaalka ka socda Baardheere, waxaana weli xaaladdu tahay mid aad u kacsan.

Dagaalkan ayaa ka dhashay muran la xiriira gacan ku haynta degmada, taasoo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo Jubbaland, oo maamulo iska soo horjeeda u magacaabay Baardheere.

Shalay ayay ahayd markii Jubbaland ay sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta xarunta degmada Baardheere, balse saaka ayaa dagaal culus dib uga qarxay magaalada, kaasoo u dhexeeya Daraawiishta Jubbaland iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Ciidamadii Jubaland ee ku sugnaa Xarunta Degmada ayaa noqday wax dhintay wax dhaaawacmay iyo kuwa isdhiibay oo xarunta NISA ee Magaalada Baardheere Lagu Xiray.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleGudoomiye Kuxigeenkii Daacish oo Lagu Dilay Buuraha Calmiska ee Puntland
Next articleIlhaan Cumar oo Ka Farxisay Soomaalida Sharci darada ku Galay Maraykanka