Home Wararka Maanta Jeneraal sheegoow oo Markii ugu Horaysay Mudo uu xirnaa Kadib Maxkamad lasoo...

Jeneraal sheegoow oo Markii ugu Horaysay Mudo uu xirnaa Kadib Maxkamad lasoo Tagaayo

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta la horgeeyo Generaal Sheegow Axmed Cali oo weli u xiran dowladda Soomaaliya, kaas oo loo haysto kiis xasaasi ah.

Wararka ayaa sheegaya in maanta maxkamaddu ay guda geli doonto dhageysiga dacwadda loo haysto sarkaalkan oo dhowr bilood u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ninkan maxkamadda lala geyn doono qaar kamid ah ilaaladiisa oo lagu soo qabtay dagaal 19-kii August ee sanadkan ay la galeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya, kaas oo sababay khasaare xoogan.

Eeedaha uu wajahayo sarkaalkan ayaa waxaa kamid ah inuu ka dhaga adeegay amar ay siisay dowladda federaalka Soomaaliya oo ahaa inuu soo dhiibo ciidamo ka tirsan kuwiisa oo lagu eedeeyay inay dhac baasan ka gaysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa eedaha kamid ah dagaalkii uu ninkan la galay ciidamada amniga, maadaama uu qaatay ku dhawaad 5 saacadood, uuna gaystay dhimasho iyo dhaawac.

Maxkamadeynta ninkan ayaa si aad ah isha loogu hayaa, ayada oo laga war dhowrayo go’aanka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Arrinta sarkaalkan ayaa dhalisay hadal xoogan iyo caro keentay inay dibadbaxyo dhigaan beesha uu kasoo jeedo, inkastoo markii dambe ay xaaladdu degtay.

Sheegow ayaa tan iyo 2014-kii markaas oo uu kasoo baxay Al-Shabaab kasoo mid ahaa ciidamada dowladda, wuxuuna ka qayb qaatay dagaallo ka dhacay Shabeelaha Hoose.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Duqaymaha Gaza oo Galay Maalintii 19naad(Sawiro)
Next articleXildhibaan Odowaa oo si adag ugu hadlay qaddiyada Falastiin iyo dagaalka hada ka socda Qasa.