Nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa xalay isku qarxiyay afaafka hore ee xerada Nacnaca ee kutaalla degmada Wadajir, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in qaraxa fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo kusoo dhax dhuuntay dhallinyaro xerada loogu xareenayay in ay kamid noqdaan ciidamada Qaranka.
Jeneraal Odawaa Raage ayaa sheegay in qaraxa ku geeriyoodeen 5 ruux halka ay dhaawacmeen 11 kale oo kale oo dhaawacyadooda lagu daweenayo isbitaalada kuyaalla magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Jeneraal Odawaa in ay socdaan baaritaano ay wadaan saraakiil katirsan ciidamada milatariga oo ku aadan raad-raacaya iyo xogta qofka is qarxiyay si ay u helaan macluumaadkiisa,
Taliyaha ayaa cadeeyay in aysan joogsan doonin tababarka la siinayo dhallinyarada dooneysa in ay kamid noqdaan Ciidamada qalabka sida ee doonaya in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda.
Xerada Nacnaca ee loo bixiyay Jeneraal Dhagabadan ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah ay fuliyeen rag waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo dhax gelay dhallinyaro ciidan loo tababarayay
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada