Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Jeneraal odawaa oo durbaba Bilaabay Qorshaha Dagaal Alshabaab Galmudug looga saraayo

Jeneraal odawaa oo durbaba Bilaabay Qorshaha Dagaal Alshabaab Galmudug looga saraayo

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odowa Yuusuf Raage ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Taliska Guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo ku yaalla Muqdisho.

Jeneraal Odawaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha Danab G/Dhexe Caydaruus Maxamed Xuseen, waxaana la iska warsaday dagaalka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa ugu horayn kormeeray xafiisyada Taliska Guutada 16-aad ee Danab, isagoo mid mid u xogwaraystay saraakiisha ka howlgasha taliska.

Xubno xog badan ka haya kulamadii galabta ka dhacay taliska Danab ayaa Caasimada Online u sheegay in Jeneraal Odawaa uu Taliyaha Danab kala hadlay sida ugu fudud ee loo soo afjari karo Shabaab-ka weli ku sugan deegaano ka tirsan Galmudug.

Taliyaha Xoogga ayaa la sheegay in muhiimad gaar ah uu siinayo sidii gacanta loogu dhigi lahaa Ceelbuur iyo tuulooyin kale oo muhiim ah oo weli ku jira gacanta Al-Shabaab.

Jeneraal Odawaa ayaa taliyaha Danab faray inay dhaqaaqaan oo ka howlgalaan inta u dhaxeysa Galgaduud iyo Sh/Dhexe, iyadoo muhiimadda koowaad la siinayo duqeymaha, si buu yiri khasaaraha iyo khatarta ciidanka soo wajihi karta loo yareeyo.

Dhinaca kale, Taliyaha Xoogga ayaa maalmihii lasoo dhaafay diray ciidan iyo saraakiil la howlgelaya ciidamada dadka deegaanka ee ka dagaalamaya aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo dhowr deegaan maanta ka xoreeyey Al-Shabaab.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Xabsi ku Gurtay Masuliyiinta Hotel Maka almukarama ogoow Sababt
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Gudomiye Guure oo Goordhow Muqdisho lagu Weeraray iyo Askarigii ilaalinaayay oo nolosha Lagu Watay