Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka jawaabay hadalkii Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere, kaas oo xalay markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka shacabka.
Jeneraal Biixi ayaa wareysi uu siiyey Radio Muqdisho wuxuu ku sheegay in hadalka Cali Dheere uu dhageystay, balse uu ula muuqday ‘cataaw’ ay ka keentay guul darada kooxda ka soo jawahday fagaareyaasha dagaalka.
“Horta Cali Dheere iyo Al-Shabaab waxaan leeyahay kala daaya in caruur aad leysaan, kadibna aad dhahdaan ‘Alxamdu’ calaacalka Cali Dheere waan dhageystay waxaana iiga muuqatay inay ku guul dareysteen dagaalkooda waxuushnimada ah,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.
Taliyaha ayaa sheegay in dhibaatada heysata Al-Shabaab ay hormuud u yihiin shacabka Soomaaliyeed oo mudo dheer ay soo dhibaateynayeen, isagoo sheegay in kacdoonka shacabka uu sii xoogeysanayo.
“Cali Dheere maanta inuu calaalacalo waa gar, laakiin weli jaanis ayaa u furan ha isku soo dhiibeen gacanta dowladda, kuwa la qaldayna mid walba hortiisa ha u cararo, weli jaanisbaa idiin furan,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.
Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ee ka curtay gobollada dalka iyo dagaalka uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh
Cali Dheere ayaa qiray in dowladda Soomaaliya ay qabaa’ilka ku hubeysay, wuxuuna qabaa’ilka la dagaalamaya ku tilmaamay ‘kuwii isbaarooyinka dhiga jiray’ isagoo qabaa’ilka kacdoonka wada ugu hanjabay inay la dagaalami doonaan.