Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Jeesoow oo Si kulul uga Hadlay War kasoo Baxay laftagareen

Jeesoow oo Si kulul uga Hadlay War kasoo Baxay laftagareen

0

Jeesoow oo Si kulul uga Hadlay War kasoo Baxay laftagaree

Xildhibaan Daahir Aniin Jessow oo Ka Hadlay War kasoo Baxay Lafta Gareen ayaa Yiri Sidaan:

Ciidamada Duufaanta Shiikh Xasan Barsane oo loo abaabulay dib u xoreynta deegaanada iyo la dagaallanka Khawaarijta, kuwaas oo howlgallo badan fuliyay, dagaallana la galay khawaarijta, iyo dadkii deegaanka ee difaaca u ahaa degmada Yaaq-beriweyne, waxa la yaab leh inuu Laftagareen isir neceybka uu Gaaljecel u qabo ay gaarto inuu ku tilmaamo khawaarij.

Yaa khawaarij u dhow midka la dagaallamay mise midka diidan in khawaarij lala dagaallamo oo ciidankii Duufaanta Shiikh Xasan Barsane weeray, oo shacabkii Yaaq-beriweyne duullaanka ku ah?

Dowladda federalka waxaan ku wargalineynaa in beesha Gaaljecel ee duullaanka lagu yahay adeegsan doonto wax kasta oo ay isku difaaceyso, taas oo laga yaabo inay keento in gobollo kale dagaalka uu ka qarxo.

Haddii uu xaalka faraha ka baxo masuuliyadeeda waxay aabbo leedahay Laftagareen iyo intii garab ku siisay gardarrada uu Gaaljecel ula bareeray.

Ad
Previous articleWar Cusub oo Kasoo Kordhay ninkii 5ta Gabdhood Soomaalida ah Ku dilay….
Next articleMid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-16 oo ay xulafada NATO ugu Deeqday Ukraine oo la burburiyay