Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka hor yimid in ciidamada macawiisleyda beesha Xawaadle loo diro galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda laga xoreeyo kooxaha Khawaarijta ah.
Taliyaha NISA, Hoggaamiyaha Ciidamada Macawiisley Cali Jeyte, Taliye ku xigeenka ciidanka Dhulka Jeneraal Khaalid iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan aagga degmada Buuloburde, halkaas oo maanta looga dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka horyimid qorshaha socda, wuxuuna sheegay in macawiisleyda beesha Xawaadle ay khatar ku yimiin beeshiisa Gaaljecel.
Wuxuu sheegay in dad iyo deegaan toona aysan dhaafi doonin ciidamada beesha Xawaadle, hadii wabiga ay uga talaabaan dhinaca galbeed.
Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa u jawaabay hoggaamiye Cali Jeyte oo maanta ku baaqay in Shabaab la iska soo afjaro, isagoo toos ugu hanjabay dadka ku dhex nool kooxda Al-Shabaab.
“Al-Shabaab Hooyadey iyo Aabaheey ayaa la joogo, kamana tirsana, hadalka Cali Jeyte waa kicin, Macawiisleeydii isbaaradu u tiilay deegaanada bari ee gobolka Hiiraan, in hadana la dhaho Galbeed ayaa loo soo rarayaa oo isbaarooyin kale ay dhiganayaan fikir saliim ah ma ahan” ayuu yiri Jeesow.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysigaan siiyey TV-ga Shabeelle ayaa tusaale u soo qaatay labo wiil oo ka soo jeeday beesha Gaaljecel, kuwaas oo macawiisleyda beesha Xawaadle ay xaniyaha ka jareen, iyagoo ku eedeynaya Al-Shabaab.
Sidoo kale, arrinta isbaarada oo macawiisleyda aad loogu eedeeyo ayuu walwal ka muujiyey Xildhibaan Jeesow, “Dhib ka dulqaad oo dhib kale urar ayaa heysata dadkeyga,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.