Home Wararka Maanta JaneraalBiixi oo shaaciyey dhacdo argagax leh oo Al-Shabaab ay sameeyeen

JaneraalBiixi oo shaaciyey dhacdo argagax leh oo Al-Shabaab ay sameeyeen

0

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa xogo cusub ka bixiyey dagaalladii ugu dambeeyey ee Al-Shabaab looga saaray deegaanadii ay sanadaha badan maamulayeen.

Taliye Biixi ayaa shaaciyey in kooxda Al-Shabaab ay sameysay wax ay la yaabeen kadib markii ay madaxa ka goosteen xubno ayaga ka tirsanaa oo looga dilay dagaal ka dhacay degaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha oo wareysigaan siiyey Idaacadda Radio Muqdisho ayaa sheegay in ugu yaraan seddax nin ay kooxdu madaxyadoodii horay u sii qaadatay, isagoo taas ku macneeyey in kooxdu ay diidan tahay in la aqoonsado xubnahaas oo ayaga muhiim ka dhex ahaa.

“Aboorey waxaa ka dhacday qiso cajiib ah oo u baahan in umadda loo bandhigo, meydadkii ay Al-Shabaab deegaankaas uga carareen waxaa ku jirtay seddax nin oo madaxa ay ka goosteen, waa arrin cajiib ah, nin madaxa ka goynaya ninkii garabkiisa ka dagaalamayey, si walba oo loo dilo, laakiin saan tuhmeyno waa kuwo ayaga horjoogayaal u ahaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxay ku tala galeen in xubnahaas aan la aqoonsan oo aan geeridooda la ogaan, laakiin waxaa mucjiso ah nin garabkaaga ka dagaalamayey markii la dilo inaad madaxa ka jarato.”

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaan lagu magacaabo Yasoomo lagu laayey kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 45 xubnood.

Ugu dambeyntii Taliye Biixi ayaa wareysigaan ku sheegay in dagaalka lagu qaaday Al-Shabaab uu yahay mid saf balaaran ah oo dowladda Soomaaliya ay qorshihiisa dejisay, balse kaalinta ugu weyn ay ka qaadanayaan shacabka Soomaaliyeed ee kacdoonka sameeyey.

 

 

 

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleJeneraal Biixi “Cali Dheere maanta inuu calaalacalo waa gar, weli jaanis ayaa u furan ha isku soo dhiibeen gacanta dowladda”
Next articleDowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay Al-Shabaabkii lagu laayey Hiiraan iyo Sh/Hoose