Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Janaraal Cabaas Ibraahim Gurey oo ka Badbaaday isku day lagu khaarijin lahaaa

Janaraal Cabaas Ibraahim Gurey oo ka Badbaaday isku day lagu khaarijin lahaaa

0

Taliyaha ciidamada daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo Janaraal Cabaas Ibraahim Gurey ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qarax culus oo gelinkii dambe ee shalay lagula eegtay xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa oo ay ka dambeeyeen Al-Shabaab uu haleelyay gaarigiisa, balse uu ka bad-baaday, islamarkaana aanay waxyeelo kasoo gaarin miinada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka qaraxa uu ahaa in isaga lagu khaarijiyo, isla markaana qaybta uu fadhiyay lagu soo aadiyay, balse uu Alle ka bad-baadiyay.

“Gudaha dowladda aan dariska nahay ee Kenya kooxdii arxanka darneyd ee baneysatay dhiiga iyo hantida muslimka waxay nala eegteen qaraxa oo ay ku dhufteen baabuurkii aan anigu waday Alxm waxba Ilaahey naguma yeelin, kaliya baabuurka ayay naga garaafeeyeen” ayuu yiri Janaraal Cabaas Ibraahim Gureey.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in wax naxariis aysan ka dhexeyn iyaga iyo Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan dagaalka adag ee ay kula jiraan.

“Waa noolnahay waxbana nama gaarin anaga iyo Shabaab waxaa noo dhexeeyo dagaal hana cafina idina ma cafineynee” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Horay ayaa Al-Shabaab qaraxyo noocaan oo kale ah uga fulisay Gedo waxaana mid kamid ah lagu dilay taliyihii hore ee Nabad-sugidda ee gobolkaasi, Bakaal Kooke.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Axmed Madoobe oo Markale la doortay Madaxweynaha Jubaland
Next articleAxmed Madoobe oo Weerar ku Qaaday Camza Iyo Xasan