Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Doonyaale oo u dhaxeeya deegaanada Shabeelow iyo Camaara oo hoos taga degmada Wisil.
Ugu yaraan sideed saacadood ayuu Taliyuhu sheegay inuu socday dagaalkaas, isla markaana afar dhufeys ay ka kiciyeen dagaalyahanadii Al-Shabaab oo mudo halkaas ku diyaar garoobaayey.
Weerarka waxaa qaaday ciidanka Danab ee xoogga dalka oo kaashanaya daraawiishta Galmudug, waxaana Al-Shabaab loo geystay duqeymo xoog leh oo waxaa dagaalka ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka.
“Halka aan maanta cadowga ku weerarnay waxay ku lahaayeen saldhigyo waaweyn, dagaalkii ugu cuslaa oo waayahaan aan la galno Khawaarijta ayaa dhacay, afar goobood ayaan ka kicinay, welina waa noo hareereysan yihiin oo waxaa naga go’an in halkaan aan ku soo afjarno,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.
“Waxaan u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed in meydadka 117 ka mid ah Khawaarijta aan dul istaagnay, dagaalka oo ahaa mid culus aragagixisada uma suurta gelinay meyd iska daaye inay dhaawac qaataan,” ayuu yiri.