Home Wararka Maanta James Swan oo Dowlada dhoor ah kala hadlay Arimaha Doorashooyinka Dalka Somaliya

James Swan oo Dowlada dhoor ah kala hadlay Arimaha Doorashooyinka Dalka Somaliya

0

Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa xiriir la sameeyay Waddamada Kenya, Ethiopia, Jabbuuti iyo Uganda si uu wax uga waydiiyo aragtidooda Doorashada Soomaaliya.

James Swan ayaa wasiirada arrimaha dibeda ee wadamada Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda ka codsaday  in ay ka qeyb qaataan sidii loo hagaajin lahaa doorashada Soomaaliya, isla markaana  looga  hortagi lahaa doorasho kala qeybsan oo ka dhacda Soomaaliya.

“Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxa uu bogaadiyey fursadda toddobaadkan tagay uu u helay in uu khadka taleefoonka kula hadlo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha si uu uga dhageysto aragtidooda ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo gobolka xilligan xasaasiga ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska QM ee Somalia.

Waxaa wali soconayaa dadaalada Beesha caalamka iyo kuwa Gobolka ay wadaan si meesha looga saaro dadaala lagu xalinayo khilaafadka ku horgudboon doorashada Somalia

Khilaaf adag ayaa ka taagan qabashada doorashada Soomaaliya, waxuuna hadda xaalku marayaa in Puntland iyo dowladda dhexe ay isku tuur-tuuraan, halka la dhigayo gogosha shirka uu iclaamiyey madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleDowladda Shiinaha oo mamnuucday mid ka mid ah Warbaahinta ugu weyn caalamka
Next articleSawiro:- Ciidamo la kala dhex-dhigay laba Maleeshiyo Beeleed ee ku dagaalamay Xananbuure