Home Wararka Somaliya Jubbaland James Swam oo Gaaray Kismaayo iyo Amed Madoobe oo Xamar la keenaayo

James Swam oo Gaaray Kismaayo iyo Amed Madoobe oo Xamar la keenaayo

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xilligan kulan kula leh Xarunta Madaxtooyada Kismaayo Kusimaha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo saaka safar ku tagay Kismaayo.

Kulankan oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed iyo arrimihii sababay inuu wax natiijo ah ka soo bixi waayay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay inuu wali socdo, hase ahaatee uu todobaadki hore uu Madaxweynaha Jubbaland uu isaga soo tagay Muqdisho, kaddib markii la isku mari waayay qodobo dhowr ah oo ku xirnaa horay u socodka shirka .

James Swan Ayaa lagu xusuustaa kaalintiisii doorashadii 2022 iyo marxaladii kala guurka aheyd ee caqabadihii ka taagnaa waqtigii uu ahaa Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxaana hadda muuqda caqabadihii horay u taagnaa oo kale, maadaama Golaha Wadatashu Qarab ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Sababta Kenya Airways oo Joojisay Dulimaadkeedii Muqdisho
Next articleDagaal goordhow Ka Qarxay Duleedka Degmada Cadale