Home Wararka Maanta Jahawareer Culus oo maantay Ka tagaana Dhulkii Carwadii Hore ee Taleex oo...

Jahawareer Culus oo maantay Ka tagaana Dhulkii Carwadii Hore ee Taleex oo Boqolaal Shacab ah ay Daganyihiin

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka taagan xaalado adag oo ka dhashay muranada dhulalka danta guud, maadaama maalmahaan dowladdu waday howlgallo ay ku burburineyso, si ay ula wareegto.

Maanta waxaa xaalad adag oo jahwareer ah ay ka taagan xaafadda Carwadii hore ee Taleex oo ay dagan yihiin boqolaal shacab ah, kuwaas oo haatan wadnaha farta ku hayo, kadib markii ay soo gaartay in laga rarayo guryahooda.

Sida ay ogaatay Warbaahintu, guddi ay sameysteen dadka deegaanka ayaa waxaa kulan ugu yeeray guddoomiyaha maamulka degmada Hodan, Cali Fahle oo si toos ah ugu sheegay in dhulkaan loo soo baahday, isla-markaaa ay tahay inay ka guuraan, laakiin waxaa arrintaasi su’aallo ka keenay odayaasha deegaanka ee shirka goobjoogga ah.

Xubnaha guddiga ee matalayay shacabka ayaa guddoomiyaha waydiiyay su’aallo ay kamid ahaayeen sababaha rasmiga ah ee loo rarayo iyo cidda bixisay amarka lagu barakicinayo sababtaas oo illaa iyo hadd aaan si toos ah loola wadaagin dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa arrintaan sii xoojiyay, walaacana kusii kordhiyay shacabka hadal dhowaan kasoo yeeray Xildhbaan Cabdiraxmaanka Cabdishakuur Warsame oo shaaciyay in dhulka carwadii hore iyo dhulal kale laga iibiyay ganacsato, isaga oo ku eedeeyay dowladda dhexe.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa innoo sheegay in muddo dheer ay daganaayeen Carwadii Taleex, haatana aanay haysan meel kale oo ay deegaansadaan haddii si qabsab ah loo burburiyo gurayhooda.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrinta Carwada Taleex, laakiin warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa aad looga hadal hayaa in howlgal burburin ah uu ku wajahan yahay xaafaddaasi oo haatanba qaybo kamid ah la burburiyay, laguna bilaabay dhismaha dabaqyo dhaadheere.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa ula wareegtay dhulal dan-guud ah oo ku yaalla gudaha caasimada, waxaana ugu dambeeyay xaruntii Dab-damiska, xaafaddii Kalluunka, Buulo Weekeiyo, xaruntii wasaaradda arrimaha gudaha ee Boondheere iyo dhulal kale oo ku yaalla agagaarka isgoysa Ex-kontrol Afgooye, illaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleXamaas oo ugu dambeyn fulisay shuruudda Israa’iil iyo xabbad-joojinta oo goor dhow dhaqan-galeysa
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Qaraar oo Markale Ka dhex Qarxay SSC Khaatuma Iyo Soomaaliland