Home Wararka Maanta Jadwalka Rasmiga ah ee Doorashada Madaxweynaha oo Soomaaliya oo La Shaaciyay.

Jadwalka Rasmiga ah ee Doorashada Madaxweynaha oo Soomaaliya oo La Shaaciyay.

0

Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay in 15-ka May ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha.

Guddiga Labada Gole BFS ee Qaban-qaabada Doorashada Madaxwaynaha ayaa jadwal ay soo saareen maanta sidoo kale ku sheegay in diiwan-galinta Musharaxiinta Madaxweynaha ay bilaaban doonto 8-da bishaan ayna socon doonto illaa 10-ka bishaan.

Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa dhici doonto 11 illaa 12 May, ayada oo 13-ka iyo 14-ka bishaan uu guddiga soo dhameystiri doono u diyaar-garowga doorashada, islamarkaana maalinta ku xigta ay dhici doonto doorashada madaxweynaha.

Soomaaliya ayaa yeelan doonta madaxweyne cusub 10 maalmood gudahood, haddii uu sidiisa u fulo jadwalka uu guddigaan shaaciyay.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay inay ku timid cadaadiska Beesha Caalamka, oo hakad galiyay dhaqaalihii & deeqihii ay siin jirtay Soomaaliya iyo weliba culeysada kale ee ka dhashay daaha doorashada.

Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa shalay soo xulay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo durtaba bilaabay dardar xoogan oo ku aadan qabsoomida doorashada.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa dhan 17 xubnood waxayna 10 kamid ah iska soo dhex xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay soo xuleen xildhibaannada Aqalka Sare, halka Xubinta 17-aad uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaalada kala guurka, ayada oo hanaanka doorashooyinka ay wajaheen culeyso iyo khilaafyo hor leh oo markii dambe badankooda xal laga gaaray.

 

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Maalinta La Dooranaayo Madaxweynaha Soomaaliya oo La Shaaciyay
Next articleHanti-dhawrka Qaranka oo go’aan culus soo saaray