Home Wararka Maanta Jabuuti oo Sheegtay In Turkigu uusan Ku guulaysan doonin Dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo...

Jabuuti oo Sheegtay In Turkigu uusan Ku guulaysan doonin Dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Wasiirka Arrimaha dibada ee Jabuuti oo la hadlayay wargeyska Asharq Al-Awsat, ayaa sheegay in aysan Turkigu guul ka gaari doonin dhexdhexaadinta Soomaaliya & Itoobiya ee ku wajahan arrinta Badda oo ay hadda fashilmeen 2 goor, isagoo cadeeyey in ay Itoobiya ku taagan tahay damaca fulinta ajendaheeda ku aadan Is afgaradkii ay la gashay Somaliland, oo aysan ka tanaasulin, taas oo meesha ka saaraysa ayuu yiri in Heshiis kama dambeys ah ay gaaraan labada dal.

Max’ed Cali Yuusuf ayaa sheegay in ay dhankooda wadaan qorshe dhexdhexaadin ah, balse wuxuu diiday sheegida macluumaad dheeraad ah gabi ahaanba, taas oo muujinaysa in ay Jabuuti ku howlan tahay isku keenida Soomaaliya & Itoobiya, oo ay wali dhexda taagan tahay, laakiin dhanka Addis Ababa ayaa la aaminsan yahay in aysan kalsooni ku qabi karin doorka Jabuuti.

“Madaxweyne Geelle, wuxuu aad uga shaqeeyaa sidii labada dal isku fahmi lahaayeen, labada dhinacba wuu la hadla si xiisada loo dhimo, loona gaaro heshiis kama dambeys ah, sababtoo ah bishii Feb waxaan qabanay IGAD ahaan shir deg deg ah oo kiiska looga hadlayay, layskuna raacay ixtiraamka madax banaanida dalalka gobalka” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Jabuuti.

Ad
Previous articleGanacsatada Muqdisho Iyo Wasiirka Maalyada oo Shir Lagu kala tagay Yeeshay Iyo Bartamaha Bishaan oo La Bilaabaayo Canshuurtii Reer Muqdisho Diideen
Next articleDibadbax Maalinkii Labaad Kasocda Magaalada Muqdisho