Home Wararka Somaliya Somaliland Jabuuti oo ka jaawabtay eedayntii ‘jabhadda’ ee uga timid Somaliland

Jabuuti oo ka jaawabtay eedayntii ‘jabhadda’ ee uga timid Somaliland

0

Dawladda Jabbuuti ayaa ka jawaabtay eedayn ugu timid Somaliland, taas oo ku aaddnayd in ‘jabhad ka dhan ah Somaliland lagaga dhawaaqay dalkaas.

Jabbuuti ayaa warkaas ku tilmaantay mid aan wax ba ka jirin.

Wasiirka Maaliyadda ee dalka Jabbuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh, oo barta hore loo odhan jirey Twitter ee X, farriin ku qoray ayaa sheegay in ay ka xun yihiin “eedaha beenta ah ee aan waxba ka jirin ee uga imanaya Somaliland’ sida uu bartaas ku baahiyey.

Wasiir Ilyaas ayaa ku dooday in “Jabuuti ay tahay meel wada jir iyo is dhexgalka gobolka u taagan. Isku xidhena u ahnabadda & xasiloonida Gobolka.”

Waxa kale oo uu sheegay in aanay dhex gelin arrimaha gudaha ee cid kale.

Wasiir Ilyaas ayaa sida oo kale xusay in ‘maskaxda lagu hayo in hore loogu eedeeyey in Soomaaliland ay ka taageereen dagaalkii Gobolka SSC’ sida uu hadalka u dhigay.

Maxay tahay ‘Jabhadda’ uu sheegay Madaxweyne Biixi in ay ka soo hadashay Jabuuti?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo Kulan la qaatay qaar kamida masuuliyiinta, iyo hugaan dhaqan oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa qudbad uu jeediyay kaga hadlay wax uu ku tilmaamay ‘jabhad’ oo “Jabuuti kaga dhawaaqay in ay xoreynayaan gobolka Awdal”

Ad
Previous articleMaxay tahay ‘Jabhadda’ uu sheegay Madaxweyne Biixi in ay ka soo hadashay Jabuuti?
Next articleWar Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya oo shirkii Arimaha Badda Soomaaliya Fashil Kusoo Dhamaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here