Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Jabuuti oo Hub Culus soo Gaarsiiyay Gobalka Hiiraan oo Dagaal Alshabaab ah...

Jabuuti oo Hub Culus soo Gaarsiiyay Gobalka Hiiraan oo Dagaal Alshabaab ah ka dhan ah kasocdo

0

Ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah howl-galka cusub ee AUSSOM ayaa maanta ku biiray howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Howl-galladan ay ciidankan ku biireen ayaa waxay si gaar ah uga socdaan haatan deegaannada hoostaga magaalada Buulo-burte ee dowlad-goboleedka Hir-Shabelle.

Gaadiidka dagaalka, hubka culus ee PM-ka ee duqeymaha iyo askarta lugta ee Jabuuti ayaa si toos ugu biiray howl-galkan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka Jabuuti.

“Kadib markii aan kulamo wada-jir ah qaadanay saraakiisha ciidanka federaalka iyo kuwa AUSSOM waxaa isla dejinay qorshaha dagaalka si la isugu furo waddooyinka muhiimka ah,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha Jabuuti ee ciidankan horkaceysa.

Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa howl-galka kaalin weyn ku leh, iyaga oo deegaannada qaar sii gaaray kaddib markii la sheegay in ay isaga baxeen kooxda Al-Shabaab, maadaama duqeynta qoryaha culus halkaas lagu beegsaday.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa socda in ka badan 24 saac oo xiriir ah, sida uu sheegay sarkaal katirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana laga gaaray natiijo wax ku ool ah

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Shaaciyay in Trump Doonaayo inuu Aqoonsado Soomaaliland
Next articleDuqa Stanbul oo Dagaal kula jira Erdogan oo Maxkamad lasoo Taagay