Home Wararka Maanta Jabhada TPLF oo hubkeeda ku wareejinaysa ciidanka dowladda Itoobiya iyo abiya Axmed...

Jabhada TPLF oo hubkeeda ku wareejinaysa ciidanka dowladda Itoobiya iyo abiya Axmed oo Guul ka Gaaray

0

Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Kenya, ayaa shaaca ka qaaday in jabhadda (TPLF) ay maalinta sabtida ah ay soo dhiibi doonto hubkeeda culculus, kadib wada hadalo dhex maray madaxda sare ee ciidamada Itoobiya iyo taliska TPLF.

Ambassador Bacha Debele, ayaa hadalkan ku sheegay muuqaal lasoo dhigay barta Youtube-ka.

“Marka laga hadlayo dhiibista hubka culus, waxay ahayd inay [TPLF] soo dhiibaan 17-kii Nofembar, laakiin taasi ma aysan dhaqan gelin, laakiin hadda waxaa la go’aamiyay inay soo dhiibaan 3-da December,” ayuu yiri.

Bacha ayaa sheegay in taliyeyaasha goobuhu ay “kulmaan maalin walba” si ay uga wada hadlaan habka hub ka dhigista, iyo dagaal yahanada kooxda TPLF la isugu keeno goobo cayiman.

“Macluumaad aan maanta helay, ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ay bilaabeen inay [dagaalyahannada TPLF] ku ururaan goobo cayiman. Waxay fulinayaan [hannaanka hub ka dhigista],” ayuu raaciyay.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inay tahay wax xun oo waji gabax ah in si fagaaro ah loogga hadlo khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Xukuumada Itoobiya iyo kooxda TPLF, ayaa horaantii bishii hore heshiis nabadeed ku kala saxeexday dalka Koonfur Afrika, si ay si nabad ah ugu soo afjaraan dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay, ee mudada labada sano ah socday.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo maantay Ansixayay Sharci Saamayn Wayn ku Yeelan Doona Shaqaalaha Dowlada(Sawiro)
Next articleSacdiya Yaasiin oo shaacisay inay ‘halis ku jirto’ nolosheeda kadib markii ay Ka Hadashay dhawaan Sharciga Jinsiga