Home Wararka Maanta Iyada oo nabad qabta ayay sariirta jiifatay balse xabad madaxeeda ku jirta...

Iyada oo nabad qabta ayay sariirta jiifatay balse xabad madaxeeda ku jirta ayay ku waabariisatay

0

Jimcihii la soo dhaafay subaxii, qoyska Reer Xuseen waxay ku baarurgeen in gabdhooda Amiiro Xuseen aysan wali hurdada ka soo kicin.

“Intaa ma aysan ku gaari jirin hurdada,” ayuu BBC da u sheegay Maxamed Xuseen Cabdi oo la dhashay Amiiro Xuseeen.

Waxay ahayd abaaro sagaalkii Subaxnimo markii hooyadeed gudaha ugu gashay, balse waxkasta waa isbadaleen markii ay dul timid gabadheeda.

Amiiro waxaa loo tagay iyadoo ku sugan sariirtii ay ku huruday, balse dhiig badan ka qubanayo, dadkii oo ay hooyadeed ugu horeysayna waxa ku dhacay argagax xooggan.

Xaalad jaahwareer ah oo daqiiqado qaadatay ka dib, waxaa qoysku Amiiro ula carareen cisbitaalka. Ma aysan garanayn waxaa ku dhacay, balse markii ay isbitaalka tageen ayay ogaadeen in xabadi ku dhacday.

“Ma qiyaasi karno saacada rasmiga ah ee xabadu ku dhacday, laakiin dhaawaca ku yaal ayaan aragnay wayna miyir daboolnayd markii an qaadanaynay,” ayuu hadalkiisa raaciyaya Maxamed.

Cisbitaalka Somali Sudanis ee magaalada Muqdisho ayaa dhaawaca la geeyey xili barqa ah oo cadceedu soo kululaatay, ehelkuna wali waxay ku jireen xaalad hubanti la,aan ah, sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Xuseen.

Maxaa ku dhacay Amiir?

Habeenkii Khamiista ayay si nabad u seexatay Amiiro, balse sida ay qiyaaseen qoyskeedu waxaa ku dhacday xabad habow ah oo gurigeeda soo gashay.

Sida ay sheegeen dhaqaatiirtu waxay ka soo gashay isha midig, iyada oo u gudubtay qaybta dambe ee madaxa.

Dr Cabdirixmaan Axmed Muuse oo ah mid ka mida labo dhaqtar oo fulisay qaliinka lagu sameeyey Amiiro ayaa BBC-da u sheegay in dhaawaca xabadu gaarsiiyey bukaanka uu ahaa mid halis leh.

“Qiyaastii xiligii salaadda ama waqtiyada khudbada jicmaha ayaa isbitaalka Somali Sudanese naloogu keenay Amiiro Xuseen Cabdi oo qabta dhaawac, laakiin xitaa qoysku ma ogayn waxa uu dhaawacu yahay. Waxaan saarnay Scan qaybta madaxa waxaana la ogaaday in dhaawacu yahay xabad ku dhacday qaybta hore ee wajiga dhinaca midig ee isha una sii gudubtay qaybta danbe ee madaxa”ayuu BBc da u sheegay Dr. Cabdirixmaan

Isagoo ka hadlayey xaalada dhaawaca ayuu sheegay in markiiba la galiyey qaybta xaalada degdega ah, maadaama ay miyir daboolnayd markii danbana loo gudbiyey qaybta qalliinka.

Qaliin ay fuliyeen labo dhaqtar oo qaatay ku dhawaad saddex sacadood ayaa suura galiyey in lagu guulaysto in xabada laga soo saaro qaybta dambe ee madaxa Amiiro.

Dr.Cabdirixmaan wuxuu BBC-da u sheegay in xabada ku dhacday gabadhan yar ay dhaawac xun gaarsiisay labo qaybood oo kamida madaxeeda.

“ Madaxa qofku waxaa u qaybsamaa qaybo badan gaar ahaan qaybta hore ee maxkaska, dhakada qaybta kore iyo jeegada oo ah qaybta dambe ee madaxa, xabadu waxay dhaawac gaarsiiyey qaybta qaabilsan dareenka iyo shaqada afarta adin ee dhanka bixid.

“Marka lugta iyo gacanta bidix ayaa dareenkeedu dafiic noqday oo aad u liitaa, sidoo kale waxay qaybta danbe xabadu fariisatay qaybta maskaxda ee maamusha araga taas oo iyana ay waxyeelo gaarsiiyey” ayuu BBC-da u sheegay Dr. Cabdiqaadir oo ah dhaqtar ku takhasusay qaliimada neerfaha maxkaxda iyo lafdhabarta oo sameeyay qalliinkaan.

Amiiro, hadda waxaa laga saray qaybtii xaalada culus iyadoo loo gudbiyey qaybta soo kabashada. Wali waxaan loo ogolaan cunada balse waxaa Dr. Cabdirixmaan sheegay in ilaa saddex bilood ay u baahan doonto xananayn gaara.

Waa kiiskii shanaad oo dad la mida kan Amiiro, oo uu diiwaan galiyey cisbitaalka Somali Sudanese mudo bilooyin ah, sida ay BBC da u sheegeen. Magaalooyinka Muqdisho iyo magaalooyin ka tirsan maamulada Puntland iyo Jubaland ayay bukanaadaasi ka kala yimaadeen. .

Maxamed Xuseen Cabdi oo qoyskiisu dhibane u yihiin xabad wiifto ah oo waliishii haleeshay ayaa ku tilmamay dhacdooyinkaas “dilaa dahsoon” oo si maalinle ah shacabka Muqdisho ula kulmaan.

“Waxan ka dalbanaynaa dowlada Soomaaliya inay wax ka qabato xabadaha ay ciidamadu kor u ridayaan ee dhiba ku ah dadka shacabka oo laga sameeyo taxadar” ayuu yiri Maxamed.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleWax ka ogow sharuudaha aan laguu sheegin ee ka horreeya guurka gabdhaha Moroccoo ee ragga Soomaalidu u safreen
Next articleAbwaan dhowr cisho kahor soo bandhigay buug uu ka qoray xaaladda Somaliland oo xabsiga la dhigay