Home Wararka Maanta Itoobiya oo Wali ka Biya Diidan Ka Bixitaanka Soomaaliya

Itoobiya oo Wali ka Biya Diidan Ka Bixitaanka Soomaaliya

0

Dowladda Itoobiya ayaa weli ku doodeysa inay lagama maarman tahay inay qeyb ka noqoto howl-galka cusub ee Soomaaliya, xilli dowladda Soomaaliya ay diidan tahay arrintaan.

Itoobiya ayaa walaac xooggan ka muujisay amnigeeda haddii ciidamadeeda laga saaro howl-galka nabad ilaalinta, tan oo ah mid la-yaab leh, maadaama aysan dhaceyn firaaq amni.

Marmarsiyaha Itoobiya ee ammaanka ayaa u muuqda mid ay uga walaacsan tahay in ciidankeeda lagu beddelo kuwa Masar, oo si weyn isku hayaan, islamarkaana ay kala dhaxeyso xiisadda webiga Niil.

Itoobiya ayaa haatan dadaal horleh ku bixineysa sidii ciidamadeeda uga mid noqon lahaayeen howl-galka cusub, iyada oo ku boorisay Midowga Afrika iyo QM inay ka hortagaan dadaal kasta oo ciidamadeeda looga saarayo howl-galka.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu cadeysay in marnaba ay ciidamada Itoobiya ka qeyb noqon doonin howl-galka cusub, haddii aysan ka laaban heshiiskii badda ee Somaliland, kaas oo ay kasoo bilaabatay xiisadda ka dhex aloosan labada dal.

Todobaadkii hore dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in Itoobiya lumisay kalsoonidii ay qayb kaga noqon lahayd ergada nabad-ilaalinta Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay dooranayasa dalalka ciidamada ugu deeqaya AUSSOM laga bilaabo Janaayo 2025-ka,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Si kastaba, Itoobiya ayaa taageero ku waysay go’aankeeda la xiriira ku adkeysashada heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay horraantii sanadkan wada saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, kaas oo dhalisay xiisad xoog leh oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleShiikh Shariif oo Weerar Afka ah ku Qaaday Xasan Shiikh
Next articleCiidamada Darwiishta Galmudug oo Xalay Cashar layaab leh u Dhigay Alshabaab ku Sugnaa Caad