Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Dowladdiisa ay Itoobiya siineyso Deked u dhaw dhanka Xadka Dalkaas una jirta fogaan dhan wax ka yar 100 KM si hoos loogu dhigo xiisadda ka aloosan Geeska Afrika.
Maxamed Cali Yuusuf oo la hadlay BBC ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ka shaqeynayo sidii hoos loogu dhigi lahaa colaadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee salkeedu yahay xadgudubka Addis Ababa sameysay billowgii sanadkaan.
“Itoobiya waxa aan siineynaa Deked u jirta xadka wax ka yar 100 KM, Maamulka Dekeddaas boqolkiiba boqol iyada ayaa maamuleysa si loosoo afjaro khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.