Dawladda Itoobiya ayaa saldhigii ugu waynaa oo ciidamadeedu ku lahaayeen Bariga Itoobiya, gaar ahaana magaalada Harar, u raray magaalada Godey ee Maamulka Soomaali Galbeed, taas oo ah aag kudhaw Soomaaliya.
Degmada FeerFeer oo Baladweyne u jirta 50KM, ayaa todobaadkii hore laga dhisay saldhig ladajiyey ciidamada Itoobiya ee ka baxay gobalka Hiiraan.
Warbaahinta ciidanka Itoobiya ayaa xalay laga iclaamiyey Barnaamij muhiimada saldhigan ee loo raray Godey uu leeyahay, kaas ay sheegen in dhawaan ay baahin doonan.
Ad