Home Wararka Maanta Itoobiya oo Muujisay Siday Diyaar Ugu tahay Dagaal ay la Gasho Soomaaliya

Itoobiya oo Muujisay Siday Diyaar Ugu tahay Dagaal ay la Gasho Soomaaliya

0

Dowladda Itoobiya oo haatan xiisad xoogan ay kala dhexeyso dalalka Soomaaliay iyo Masar ayaa qaaday tallaabo uga sii dari karto xiisadda haatan taagan, taas oo laga cabsi qabo inay dagaal isku rogto.

Maamulka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa hadda qaaday dhabihii dagaalka, wuxuuna soo badhigay hub culus oo ay ku jiraan Gantaallada Balastikada ee M-20, waxayna tani muujineysaa in Itoobiya ay markan diyaar garowday dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in gantaalladan oo Sawirradooda lagu baahiyay baraha bulshada iyo ciidamo la geyn doono magaalooyin u dhow xadka Soomaaliya, gaar ahaan D.D.S.

Sidoo kale Itoobiya waxa ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay sameysay dhaq-dhaqaaq xoogleh oo ay uga jawaabeyso tallaabooyinka ay qaadaan Soomaaliya iyo Masar oo dhowaan wada gaaray heshiis difaac, sidoo kalena ku ballamay in Masar ay ciidamo usoo dirto gudaha Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa sii hurin karta xiisadda haatan ka taagan gobolka oo ku dhow in la’is fara saaro, maadaama dhinacyadu uu mid kasta sameynayo dhaq-dhaqaaq iyo abaabul ciidan.

Dhankooda Soomaaliya iyo Masar ayaa go’aan ku gaaray inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus milatari, xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay gobolka.

Dhoolatuskan ayaa la filayaa in la qabto bishan dhexdeeda, ayada oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay illo dhanka ammaanka oo ku dhow Masar.

“Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya. Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Dagaal qaraar oo laisku Habeensaday oo Ka Dhacay Galmudug
Next articleQaramada Midoobay oo Si adag ula Hadashay Dowlada Soomaaliya Digniina Udirtay