Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay fulinta is-afagaradkii ay la gashay Somaliland, islamarkaana carada dowladda federaalka ee arrintan ku aadan ay tahay wax aan dhaafsiisneyn dib u dhaca ku-meel gaar ah.
Waxa uu hadalkan ka jeediyey shir ku saabsanaa amniga gobolka Geeska Afrika oo uu soo abaabulay Machadka Arrimaha Dibedda, kaasi oo ka dhacay Skylight Hotel Addis-Ababa, 19-kii April.
Abdulaziz ayaa ku dooday in helitaanka Itoobiya ee marin badeed ay sahli karto kobaca wadajirka ah ee Itoobiya, iyo Soomaaliya oo leh xeeb dhererkeedu dhan yahay 3,000 oo kilomitir.
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto heshiiska, oo qeyb ka ah sida ay uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka.
“Itoobiya waxay soo dhawaynaysaa dadka ka socda dhammaan dalalka deriska ah, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri. “Waa u muhiim labada waddanba inay u midoobaan kooxaha argagixisada loo aqoonsaday sida Al-Shabaab, Daacish iyo kuwa dadka tahriibiya. Haddii aan si wadajir ah u shaqeyno, waan horumari karnaa oo aan ka gudbi karnaa caqabadaha, intii aan ka hortagi lahayn heshiis aan la joojin karin,” ayuu yiri Abdulaziz.
Waxa uu ugu baaqay dalalka gobolka inay ahmiyadda siiyaan iskaashiga iyo barwaaqada, wuxuuna dib u xaqiijiyey in Itoobiya ay ka go’an tahay nabadda iyo wada-shaqeynta dalalka deriska la ah.
Abdulaziiz waxa uu xusay kaalmaynta milatari ee Itoobiya ay ka geysatay dadaallada nabad ilaalinta ee Suudaan iyo Soomaaliya.
Wuxuu ka digay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay inay halis ku keeni karto Itoobiya iyo sidoo kale gobolka oo dhan.
“Ciidankeenu wuxuu Soomaaliya u sameeyey naf-hurnimo la taaban karo, haddii ay ahaan lahayd xudduudaheeda iyo nabadda. Waxaa naga go’an inaan horumarino xiriir nabadeed oo aan la yeelanno deriska, waxaana diyaar u nahay inaan sameyno dadaallo dheeraad ah oo ku aaddan yoolkan. Waa lama huraan in iyaga iyo kuwa kaleba ay ogaadaan sida aan ugu heellan nahay arrimahan,” ayuu yiri.
Heshiiska is-afgaradka, oo ay Janaayo 1, 2024 kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah.
Abiy Axmed ayaa horay u carrabka ugu adkeeyay in Itoobiya ay muhiim u tahay inay hesho marin badeed, arrintaas oo sii xoojisay xiisadda ka taagan Geeska Afrika