Home Wararka Maanta Itoobiya oo Hanjabaad kadib Soo Dirtay Calaacalkaan

Itoobiya oo Hanjabaad kadib Soo Dirtay Calaacalkaan

0

Dowladda Itoobiya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay dacwo ka dhan ah dowladda Masar oo ay ku eedeysay ‘hanjabaado iyo rabshado soo noqnoqday oo iyaga ka dhan ah’ waxayna Itoobiya codsatay in Masar ay tixgeliso.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa maanta warqad u dirtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna uga codsatay in golaha ay ka fiirsadaan hanjabaadaha soo noqnoqday ee Masar u jeedineyso Itoobiya, taas oo ka hor imaaneysa axdiga Qaramada Midoobay.

Sida ku cad qoraalka uu diray Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Taye Atzik-Salase wuxuu dowladda Masar ka codsaday in ay ka tanaasulaan mowqifkooda macangagnimada ah iyo dalabaadkooda aan macquulka ahayn ee ku saabsan dhismaha iyo ka shaqaynta biyo xireenka Renaissance iyo sidoo kale in loo hogaansamo mabaadii’da caalamiga ah.

Ad
Previous articleMuqdisho oo Prank looga maara la’yahay iyo Ciidamada amaanka oo Digniin Soo diray
Next articleWararkii Ugu Dabeeyey qarax Ka Dhacay Degmada Ceelwaaq