Itoobiya ayaa sheegtay in Amnigeeda Qaranka halis kujiro, Talaabooyinka imaanshaha Milateriga Masar ee Soomaaliyana ay gobalka u horseedayso marxalad aan daganaansho laheyn.
Addis Ababa, waxay sheegtay in aysan iska indho tiri doonin waxay ugu yeertay ficilada amnigeeda dhaawacaya ama taabanaya ee kasocda gobalka, waxayna ku dooday in hadalo cadowtinimo leh uga imaanayaan Soomaaliya, oo ay sheegtay in ay dhiiga u hurtay.
Masar ayaa 48 saac ee lasoo dhaafay qalab milateri, khuburo ciidan iyo agabyo badan u dirtay Soomaaliya, waxaana lageeyey Muqdisho.
Ad