Magalaada Muqdisho waxaa yimid maanta wefdi sare oo ka tirsan Itoobiyo oo ka kooban 5 xubnood sida Wasiirka Gashaandhiga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibada iyo sadex sarkaal oo ka tirsan Nabadsugida iyo Milateriga. Ajendaha kulamada Muqdisho ayaa ah sii wadadida heshiiskii Ankara iyo in ciidamada Itoobiyo qeyb ka noqdaan Howalgalka cusub 2025 ciidamada nabad ilaalinta Somaaaliya ujoogo.
Ilaa iyo hadda waxaa is faham ah hor-dhac ah laga gaaray inay qeyb ka noqoto Itoobiyo howlagalka cusub iyo goobaha ay ka Howalgaleyso oo la isku fahamo, inaksto iyada ay soo jeedisay meel ay ciidamadeeda kaga soo gurman karto inay ka Howalgasho sida Gobaladda Baay, Bakool iyo Gedo. Intaasi marka laga soo tago waxaa jiray dood xoogan oo saacadihii danbe socotay midaas oo ahayd in Itoobiyo ay Dowladda ku wareejiyo magaaloyinka xaduudaha dhaco ee Gedo ku yaalo sida Dolow iyo Luuq.
Ilo kale duwan waxay shegayaan in Itoobiyo ay sheegtay inay magaaloyinkaasi aysan ka bixi karin oo ay ka difaacdo gudaha Itoobiyo si aysan Argagixisada waxyeelo kaga geysan, ciidamada joogana ay iyaga bixiyaan wixii qarash ah oo ku baxayo si amaanka xaduudaha lo adkeeyo. muddo 20 sano ah ay halkaasi ciidamada u jogeen.
Qodobkaan ayaa ahaa mid Dowladda Faderaalka ay rabatay in is faham laga gaaro si Gedo gacanteeda ay usoo gasho oo hadda aysan ku heyn magaaloyinka Dolow iyo Luuq oo Itoobiyo ay joogto. Wefdiga Garbahaarrey joogi ayaa sugayay natiijada kulamada Muqdisho ka soo baxayo iyago rajo ka qabay in isfaham labada dhinac ka garaan magaaloyinka ay tagiwayeen.