Home Wararka Caalamka Israel oo Duqaysay Iskuulkii Qaramada Midoobay oo ay ka buuxeen barakacayaal...

Israel oo Duqaysay Iskuulkii Qaramada Midoobay oo ay ka buuxeen barakacayaal Falastiin ah

0

Duqeynta Israel ee Iskuulka Qaramada Midoobay oo ay ka buuxeen barakacayaal Falastiin ah oo ku yaal bartamaha Gaza ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 35 qof.

Wariyayaal deegaanka ka soo jeeda ayaa BBC-da u sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay labo gantaal ku dhufteen fasalada dabaqa sare ee iskuulka oo ku yaal xerada qaxootiga Nuseirat. Fidiyoow laga duubay iskuulka ayaa muujinaya tiro meydad ah oo meesha yaal iyo burburka iskuulka.

Muuqaallo baraha bulshada lagu wadaagay ayaa muujinaya burburka fasalada iskuulka iyo sidoo kale meydad karfan iyo bustooyin lagu daboolay.

Dadka deegaanka waxay sheegeen markii ugu horeysay in 20 qof weerarka lagu dilay balse mas’uuliyiinta isbitaalka Al-aqsa ayaa u sheegay wariyayaal madaxbanaan oo BBC-da u shaqeeya in ay soo gaareen meydad gaaraya 40 oo iskuulka laga keenay.

Militeriga Israel ayaa shegay, “weerar bartilmaameedsan ayaan ku qaaday dhismo Xamaas leedahay” waxaana dilnay 20 ilaa 30 dagaalyahan oo la rumeysan yahay in ay gudaha ku jireen.

Ciidamada IDF waxay sheegeen in xubno ka tirsan Xamaas iyo kooxda Islamic Jihad oo ka qeyb ka ahaa weerarkii 7-dii Oktoobar in ay dhismaha ka howlgalayeen.

Afhayeen u hadlay IDF G/sare Peter Lerner ayaa wariyayaasha u sheegay in 20 ilaa 30 dagaalyahan ay iskuulka ka dhigteen in ay ka qorsheeyaan kana fuliyaan weerarada, intooda bandanna waxaa lagu dilay weerarka.

Warbaahinta Gaza ee Xamaas ayaa beenisay sheegashadaas, waxayna ku eedeysay Israel in ay fulisay xasuuq foolxun.

Madaxa hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ee qaxootiga Falastiin (Unrwa) kuwaas oo iskuulka maamula ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid foolxun, wuxuuna sheegay in koox hubeysan ay halkaas ku jireen ay tahay wax laga naxo.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa la geeyay isbitaalka Al-Aqsa oo ku yaal magaalada Daarul-baylax. Isbitaalkaas ayaa buuxdhaafay ilaa markii militeriga ka bilaabeen weerarka dhulka toddobaadkan.

Wariyayaasha deegaanka iyo dadka halkaas deggan waxay sheegeen in weerarka dhacay saakay aroortii.

Iskuulka waxaa ka buuxay barakacayaal ka soo qaxay dagaalka Gaza sida ay sheegeen dadka deegaanka. Iskuullo badan iyo xarumo kale ee Qaramada Midoobay maamusho waxay hoyi u noqdeen 1.7 milyan oo qof.

Madaxa UNRWA, Philippe Lazzarini, wuxuu sheegay in iskuulka la duqeeyay iyadoo hay’adiisa wax digniin ah la siin ama barakacayaasha halkaas deggan ee gaaraya 6,000.

Mr. Lazzarini ayaa sidoo kale sheegay in dhismooyin ka badan 180 oo Unrwa leedahay la duqeeyay ilaa iyo markii uu dagaalka bilowday.

Ugu yaraan 36,650 ayaa lagu dilay Gaza ilaa markii uu dagaalka bilowday sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza

Bishii hore adduunka ayaa cambaareeyay Israel kaddib markii ay ciidamadooda sheegeen in ay beegsanayeen Xamas basle waxay taas keentay in ay dhintaan tobaneeyo Falastiiniyiin ah oo deganaa xero barakacayaal.

IDF waxay sheegeen in ay musiib tahay geerida dadkaas ayna baarayaan suurgalnimada rasaas ay Xamaas halkaas ku keydisay in ay keentay qaraxa.

Dhacdadaas waxay keentay in dhexdhexaadiyayaasha ay soo celiyaan dadaalkooda xabad joojinta iyo in la sii dayo la haystayaasha.

Madaxweyne Joe Biden ayaa jimcihii la soo dhaafay sharaxaad ka bixiyay wax uu ugu yeeray soojeedinta Israel taas oo la hordhigay Xamaas.

Mareykanka iyo UK iyo 16 dal oo kale oo muwaadiniintooda ka mid yihiin la haystayaasha ayaa maanta oo khamiis ah soo saaray hadal wadajir ah oo ay ugu baaqayaan hoggaamiyayaasha Xamaas iyo Israel in ay sameeyaan wax kasta oo lagamamaarmaan u ah sidii lagu soo afjari lahaa heshiiskan.

Hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa shalay sheegay in ay heshiis ka galayaan qorshe ku saleysan in dagaalka la soo afjaro iyo in Israel ay si buuxda ciidamada Gaza ugala baxdo.

Ra’iisulwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku adkeysanaya in uusan ogolaaneyn xabadjoojin rasmi ah ka hor inta aan Xamaas laga adkaan.

Ad
Previous articleMarkii tiirka toogashada lagu xiray ayaa qisaasta laga cafiyay
Next article𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐝𝐨𝐨𝐛𝐞 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐱𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬𝐢 𝐚𝐡 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞 𝐜𝐮𝐥𝐮𝐬 𝐨𝐨 𝐁𝐅 𝐥𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 – 𝐗𝐨𝐠