Home Wararka Maanta Israa’iil oo weerarro ku dishay hoggaamiyeyaal Falastiiniyiin ah

Israa’iil oo weerarro ku dishay hoggaamiyeyaal Falastiiniyiin ah

0

Israa’iil ayaa weerarro ku dishay saddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad kaddib duqeymo dhanka cirka ah oo ay habeen hore ka geysatay marinka Qaza.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan sagaal qof oo kale oo ay ku jiraan haween iyo carruur ay sidoo kale dhinteen.

Ku dhawaad ​​labaatan kale ayaa ku dhaawacmay.

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay guud ahaan magaalada Gaza iyo Rafah oo ku taalla koonfurta marinka Qaza, kuwaas oo argagax ku abuuray dadka deegaanka.

Bayaan ay soo saareen, guutada Al-Qudus ee garabka militariga ee Jihaad Islaami ayaa lagu sheegay in iska caabinta Israel ay sii socon doonto.

Boqollaal Gantaal ayaa dhanka Israa’iil looga soo tuuray Qaza toddobaadkii hore kaddib markii gacanta Israel uu ku dhintay Khader Adnan.

Ad
Previous articleDagaal Culus oo laba Malesho beeleed ku Dhex maraaya Degaano Ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan Alshabaab laga Saaray
Next articleDhaqaalaha Maraykanka kaga baxay Soomaaliya oo la shaaciyey