Israa’iil ayaa qaadday ugu yaraan 10 weerar oo cirka ah arroortii hore ee saaka kuwaas oo ay ku bartilmaameedsatay xaafadaha koonfureed ee Bayruut markii ugu horreysay muddo ku dhow toddobaad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Tani waxay timid ka dib markii ciidamada Israa’iil ay diginin ku siyeen dadka degan aagga koonfureed ee Bayruut in ay halkaa isaga fogaadaan.
Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil oo lagu magacaabo Adraee ayaa barta uu ku leeyahay X, ku sheegay in bartilmaameedyadan ay yihiin “xarumaha iyo dhismayaasha Xisbullah”, ciidamada Israa’iilna ay ka hortagi doonaan tallaabooyinka ay halkaa ka soo qaadayaan.
Ugu yaraan lix qof ayaa la sheegayaa in ay ku geeriyoodeen weerarradan ugu dambeyay, guudahaanna sida wasaaradda caafimaadka Lubanaan ay sheegtay duqeymihii iyo weerarradii dhacay maalmihii la soo dhaafay waxaa ku dhintya dad gaaraya 178 qof.
Dhaawac iyo burbur ayaa sidoo kale jira .