Home Wararka Caalamka Israa’iil oo ka hadashay duqeyn ay ka geysatay Koonfurta Qasa

Israa’iil oo ka hadashay duqeyn ay ka geysatay Koonfurta Qasa

0

Millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan weerar cirka ah oo ka dhacay meel u dhow Rafax oo ah koonfurta Gaza, kaasoo saraakiisha Falastiiniyiinta ay sheegeen in ay ku dileen tobanaan qof xero qaxooti.

Israa’iil ayaa sheegtay in weerarka ay la beegsatay xarun ay ku sugnaayeen ururka Xamaas ayna ku dileen laba sarkaal oo ka tirsan ururkaasi.

Balse waxa ay sheegtay in ay ka war hayaan wararka sheegaya in dad rayid ah ay waxyeello soo gaartay.

Madaxtooyada Falastiin ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa ku tilmaantay bareer waxayna Israa’iil ku eedaysay inay si ula kac ah u bartilmaameedsatay teendhooyinka dadka barakacayaasha ah.

Axadii, Xamaas waxay 8 gantaal ka soo tuurtay Rafax oo ku dhacday dhulka Israa’iil.

Ad
Previous article“Nin ayaan dilay, waxba ma dareemin, maxaa yeelay waan cabsanaa. Waxay ila ahayd inaan tixsi dilay oo kale.’’
Next articleXukuumadda Soomaaliya oo laga codsaday in Fasiraad ka bixiso Fal gurracan ay ku kacday