Home Wararka Maanta Israa’iil oo Duqayn nadir ah ku dishay Maxamed Cafiif Al Naabulsi

Israa’iil oo Duqayn nadir ah ku dishay Maxamed Cafiif Al Naabulsi

0

Duqeyn naadir ah oo ay Israa’iil Axaddii shalay ku garaacday bartamaha Beyruut ayay ku dishay afhayeenkii guud ee Xisbullah Maxamed Cafiif Al Naabulsi.

Sarkaalkan ayaa lagu weerar lagu qaaday xafiiska xisbiga hantiwadaaga Carabta ee Bacas ee magaalada Beirut, sidaasi waxaa lagu xaqiijiyay bayaan kasoo baxay Xisbullah.

Maxamed Cafiif ayaa si weyn u muuqday wixi ka danbeeyay billowga dagaalka culus ee hadda u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah kaas oo xoogeysay bishi September.

Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyn kale oo xalay ay Isra’il ku duqeysay dukaan lagu garo kambuyuutarrada lagu dilay 2 qof laguna dhaawacay 22 kale.

Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay ciidamada Isra’il ka geysteen deegaanka Beyt Laxiya ay ku dileen ugu yaraan 30 qof.

Ad
Previous articleDowladda Denmark oo raali gelin deg deg ah ka bixisay hadalkii ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya
Next articleXukuumadda Somaliland oo si adag u jawaabtay hadallo kasoo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya.