Home Wararka Somaliya Puntland Iskuulka ku yaalla Garowe ee ardeydiisa ka caawiya inay is guursadaan

Iskuulka ku yaalla Garowe ee ardeydiisa ka caawiya inay is guursadaan

0

Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland waxa ku yaalla iskuul ay dhigtaan dadka aragga naafada ka ah oo lagu magacaabo Al Basar. Iskuulada loogu talo galay dadka naafada ah ayaa ah kuwa ku yar magaalooyinka Soomaaliya.

Ku dhawaad 60 arday oo araga naafo ka ah ayaa aada iskuulkaan, balse waxay ka caawiyaan ardeyda sidii ay lamaane u noqon lahaayeen maadaama ardeyda qaarkood ay yihiin qaangaar.

Najiib Axmed iyo Saciido waxay kamid ahaayeen ardeydii wax kabaratay iskuulkaan, halkaas ayayna ku kulmeen labadoodu ka hor intii aysan ka qalin jabin iskuulka.

Mar dambe ayay dib u wada hadleen iyaga oo sheegay inay ka wada hadleen sidii ay nolosha ugu midoobi lahaayeen,

Najiib oo ayaa sheegay in doorashada lamaane sidiisa oo kale araga naafa ka ah ay sabab u tahay is fahan iyo jacayl dhexmaray isaga iyo jacaylkiisa.

“Waxaan la kulmay caqabad xaga waalidka gabadha dhalay ah,” ayuu yiri Najiib oo BBC u waramay. “dhalay laakiin ugu danbayn aniga iyo Sicido oo indhoole ah waan is guursanay.”

Markii ay go’aan ku gaareen guurkood kadib ayuu sheegay inay ku wargaliyeen iskuulka inay doonayaan inay reer noqdaan, maamulka iskuulka ayaan ka caawiyay arooskooda, sida uu sheegay Najiib.

“Iskuulku waa nagu farxay dhismaha [qoskeena] waa ka qayb qaatay” ayuu ku daray hadalkiisa.

Qoyska Najiib iyo Saciido waxaa sanadkii 2022 kii ku soo biiray ubadkoodii ugu horee oo ah wiil, “Wiilka yar isagu waa arag qabaa” ayuu BBC u sheegay Najiib.

Iskuulkaa wuxuu taageeraa ardeyda isguursanaysa

Maamulka iskoolka Al Basar waxay sheegeen in marka koowaad iyaga aysan ka imaan isku xod-xodida ardeyda, laakiin hadii calmashadu ay dhanka ardeyda ka timaado ay ka cawiyan inay guurkooda ka gaystaan kaalin wayn.

Ismaaciil Dalmar Guureeye oo ah maamule ku xigeenka iskoolka Al Basar ayaa sheegay in ka sokow wax barida ardayda araga la’a ay door ka qaataan in ay guurkooda ka caawiyan ardayda markii ay la wadaagaan.

“waxaan ka caawinaa dhamaan baahiyaha u sahlaya inay rug yagleelaan, waxana si gaara ka caawinaa dhanka dhaqaalaha oo aan ku garab istaagno,” ayuu yiri Ismaaciil oo la hadlay BBC.

Maadaama ardeyda qaar ay da’ yar yihiin ayaa kuwa kamid ah dib isku raadiyeen marka ay da’da guurka gaaran.

“Waxaa jiro arday iskoolka ka baxday oo dabcan shukaansiga iyo is fahanka dhexdhooda uu bilowday intii waxbarasha ay ku jireen marka ay dhameeyeena ay doorbideen inay reer dhistaan,waa ilaa dhowr arday oo is guursaday kuwaas oo ka baxay iskoolkeena,dabcan waxaan leenahay xirir ardayda iyo iskoolka waana la soconaa xaaladooda” ayuu yiri Ismaaciil.

Ujeeda ay ka leeyihiin arintan ayuu Ismaaciil ku sheegay inay tahay dareenka farxada leh ee ay helaan markii ay arkaan ardo araga naafo ka ah oo ay waxbareen oo nolol iyo qoys bilaabay.

“Iskoolka shaqadiisa waa inaan caawino dadka araga naafada ka ah haday noqoto in loo qareemo, in waxbarashada laga caawiyo laakiin inaan ka caawino dhismaha qoys dhiskooda waxaan bilownay 4 sano ka hor markii arday iskoolkeena dhigta ay is doorteen inay nolosha ku midoobaan”

Maamule Ismaaciil oo qudhiisu araga naafada ka ah ayaa xusay in uu hada marayo ilaa heerka labaad ee jaamacada, noloshiisana uu yahay qof caawin ka maarmay.

Dhanka kale Najiib wuxuu sheegay in laba qof oo araga naafa ka ah inay qoys noqdaan ay tahay tan ugu wanaagsan sababtoo ah “iyaga ayaa isku fahmaya nolosha, kana dabaalanaya caqabaha la soo gudboonaada”.

Ad
Previous articleSida Jannadii Kibbutz ay Xamaas cadaab ugu beddeleen
Next articleIsrael oo duqeyn ku xasuuqday Dad reer Falastiin ahaa oo ka badanaa 50 qof oo hal dhisme ku jiray