Home Wararka Maanta Isimada Laasacanood oo shuruud adag ku xiray nabad-galyo ka dhaqan gasha Sool...

Isimada Laasacanood oo shuruud adag ku xiray nabad-galyo ka dhaqan gasha Sool oo Maalintii 4aad Dagaal Kasocdo

0

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah Isimada waaweyn ee gobolka Sool ayaa markale si adag uga hadlay dagaalka, isaga oo sheegay in uusan istaageyn illaa ciidamada Somaliland ka baxaan guud ahaan gobolka.

Garaadka oo sii daba-socda baaqii nabad-galyo ee dhawaan uu jeediyay madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in dagaalka maalintii afaraad galay uu sii soconayo haddii uusan ciidankooda la bixin.

“Muusow waxaan ku leeyahay maamulkaagu nabadna wuu ku baaqayaa madaafiicna dadkii ayuu la dhacayaa, waxaan caddaynayaa in Laascaanood saddexdii cishe ugu danbaysay uu dagaal ka soconayo, dagaalkaasi oo ah dagaal aan wax shacabka reer Laascaanood loo reebtay jirin,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay madaxda dhaqanka Somaliland oo iyagu xalay ku baaqay in xabada la joojiyo shuruud la’aan, isaga oo sheegay in aanay nabad jirayn illaa ciidanka Somaliland uga baxaan dhulkooda.

“Nabad jiri mayso illaa ciidamada Somaliland ay Oog ku noqdaan,” ayuu yiri Garaad Jaamac oo kamid ah Isimada waaweyn ee gobolka Sool.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad oo xiriir ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac.

Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, ayada oo Qaramada Midoobay ay dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi, sida muuqata waxaa xiligaan adag in xal laga gaaro xiisada taagan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Madaxweynaha Dalka Talyaaniga(Sawiro)
Next articleMusharax la dilay oo ku guuleystay doorashada kursigii uu u tartamayey (Sawirro)