Isimada dhaqanka ee gobollada Sanaag iyo Haylaan, ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay ku caddeynayaan mowqifkooda ku aaddan arrimaha siyaasadeed ee gobolka, iyo shirar la sheegay in lagu qabanayo magaalada Laascaanood.
Isimadu waxay sheegeen in gobollada Sanaag iyo Haylaan ay ka mid yihiin gobolladii lagu aas-aasay Puntland sanadkii 1998, ayna weli si buuxda uga tirsan yihiin Puntland, taasoo aanay wax isbedel ah ku iman. Waxay Puntland ugu baaqeen in ay sii xoojiso horumarka iyo difaaca gobolladan.
Sidoo kale, isimadu waxay caddeeyeen in aanu jirin shir siyaasadeed oo ay yeesheen beelaha deegaanka, iyagoo sheegay in aysan jirin wax go’aamo siyaasadeed ah oo kasoo baxay. Waxay u sheegeen isimada dhaqanka iyo maamulka Khaatumo in aysan jirin cid wakiil uga ah bulshada Sanaag iyo Haylaan shir la sheegay inuu ka dhici doono Laascaanood, ayna ka maqan yihiin gabi ahaanba wax kasta oo kasoo baxa shirkaas.
Isimadu waxay sidoo kale dalbadeen in SSC Khaatumo ay bixiyaan raalli gelin buuxda oo ku aaddan faragelinta ay ku hayaan arrimaha beelaha Sanaag iyo Haylaan, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid dhaawici karta wada noolaanshaha, xasilloonida, iyo derisnimada.
Waxay isimmaada Beesha caalamka u direen farriin ah in aanay jirin shir ama dhisma maamul cusub oo ay qayb ka yihiin, isla markaana aysan jirin cid ay heshiis la galeen.
Ugu dambeyntii, waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in ay ka shaqeyso mas’uuliyaddeeda dastuuriga ah, kana fogaato isku dirka beelaha walaalaha iyo deriska ah, si loo ilaaliyo midnimada, xasilloonida, iyo nabadda guud ee dalka.