Isimada Dhaqanka Puntland ee maalmahan ku shirsanaa caasimadda Garoowe ayaa xalay go’aano kasoo saaray xaaladda cakiran ee Puntland iyo khilaafka arrimaha doorashooyinka.
Isimadda dhaqanka oo go’aankooda si weyn loo sugayey ayaa soo jeediyey nidaamka dimuqraadiyadda ee qof iyo cod in looga baahan yahay dowladda iman doonta inay sii waddo.
Go’aanka Isimada ayaa dhabar-jab xooggan ku ah madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo doonayey inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, taasi oo mucaaradka ay u arkaan isku day si dadban loogu raadsanayo muddo kororsi.
Tallaabada Deni ayaa marar badan hoggaamisay inuu dagaal ka dhaco magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana mar kale laga cabsi qabaa dagaal ballaaran, ayada oo mucaaradka ay ku jiraan hub urursi.