Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Eritrea Asias Afwerk iyo Masar Cabdulfataax Alsiisi ayaa ku qabsoomay magaalada Asmara, waxaana qoraal kooban ka soo saartay Villa Somalia.
Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.
Warbaahinta ayaa horay u baahisay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya.
Soomaaliya oo ay is hayaan Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay galaangal xoogan la sameyneysay Masar iyo Eritrea oo iyaguna ay si xun ay isugu dhacsan yihiin Itoobiya.
Soomaaliya ayaa leh doorka ugu weyn ee isbaheysigaan, waxaana muhiim ka dhigaya istaraatiijiga dhulka iyo galaangalka guuleystay ee dowladda Soomaaliya ay soo bilowday markii Muuse Biixi uu si sharci darro ah deked iyo dhul badan oo beriga ah ugu saxiixay Itoobiya