Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Isbadal Lagu Sameeyey odayaasha Soo Xulaaya ergada HOP58 oo Maantay Gacan ka...

Isbadal Lagu Sameeyey odayaasha Soo Xulaaya ergada HOP58 oo Maantay Gacan ka Hadal Kusigtay

0

Qoraal goordhaw kasoo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayey kusoo bandhigeen isbadal kooban ay ku sameeyeen guddiga soo xulaya ergada dooraneysa kursiga tirsigiisu yahay HOP058.

Guddida doorashadsa oo xalay soo saaray liiska odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xuleysa kursiga HOP058 ayaa qoraalkan cusub ee soo saareen guddiga kusoo daray xubin cusub oo kamid noqonaya bulshada rayidka.

Kursigan ayey xalay shaaciyeen guddiga doorashada in maanta oo sabti ah la dooran doono, hasa ahaatee waxaan wali isdiiwaan gelin musharaxiinta kursigan ku tartameysa, waxaana suurto gal ah in doorashada kursigan dib u dhacdo.

Kursiga HOP058 waxaa horey ugu fadhiyay Xildhjibaan Nuur Iidow Beyle kaa oo isla xalay shaaciyay in uu ka tanaasulay doorashada kursigan ,kaddib markii lasoo saaray liiska Odayaasha soo xulaya oo u muuqday in uusan ku qanacsaneyn.

Ad
Previous articleMadaxweyne Laftagareen Oo Shaado Siiyay Baarlamaanka Laga Soo Doorto Koonfurgalbeed(Sawiro)
Next articleMuuse Biixi “Soomaaliya Maanta Maraykan xiriir ha u jarto haddii ay ku dhacaan, aqoonsigii Somaliland waa mid hadda soo ifaya”