Home Wararka Maanta Iran oo Farriin hanjabaad cabsi galin ah u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Iran oo Farriin hanjabaad cabsi galin ah u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

0

Wasiirka sirdoonka Iran ayaa u sheegay Arbacadii in waddanka ay xafiiltamaan ee Sacuudi Carabiya in aanu sii jiri doonin dammaanad qaadka Tehraan ee ku aaddan “samirkeeda istiraatiijiyadeed,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars.

“Ilaa hadda, Iran waxay qaadatay dulqaad istiraatijiyadeed oo macquul ah, laakiin ma dammaanad qaadi karto inaysan dhammaanayn haddii colaaddu sii socoto,” ayay qortay Fars oo soo xiganeysa Esmail Khatiib, wasiirka sirdoonka ee Iran.

“Haddii Iran ay go’aansato inay ka aargoosato oo ay ciqaabto, daaraha dhalooyinka ah ayaa dumi doona, dalalkani ma heli doonaan xasillooni dambe.” ayuu yiri Khatiib.

Iran ayaa ku eedaysay waxay ugu yeertay ‘cadaw ajaanib ah’ inay hurinayaan qalalaasaha rabshadaha wata tan iyo markii ay boolisku gacanta ku dhigeen haweenay Kurdish ah oo Iran u dhalatay oo lagu magacaabo Mahsa Amini bishii Sebtembar kadib markii la xiray iyada oo lagu eedeeyay inay jabisay xeerka adag ee jamhuuriyadda islaamiga ah ay kusoo rogtay haweenka.

Mudaaharaadyada ay dhigayaan dadka reer Iran ee ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa noqday mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee soo wajaha hoggaamiyayaasha wadaaddada Iran tan iyo sannadkii 1979-kii kacaankii Islaamiga ahaa.

Bishii la soo dhaafay, Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran, Hossein Salami ayaa uga digay Sacuudiga inay xakameyso xarumaha warbaahinta.

“Waxaan u digayaa qoyska Sucuudiga xukumaya.. ka fiirsada hab-dhaqankiina oo xakameeya war-baahinta…haddii kale waad ka shaleyn doontaan, waana digniintii ugu dambaysay, waayo waxaad aad faragelinaysaan arrimaha dawladdeenna adinka oo adeegsana warbaahin, waan idiin sheegeynaa, taxaddar,” ayuu yiri Salami, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iiraan.

Todobaadki hore Iran ayaa beenisay inay halis ku tahay Sacuudiga kadib markii wargeyska Wall Street Journal uu sheegay in Riyad ay la wadaagtay sirdoonka Mareykanka digniin ku aadan weerar ka imaan kara Iran oo lagu bartilmaameedsanyo Boqortooyada.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleIlhan Cumar oo fariiin u dirtay Soomaalida ka dib guusheedii doorashada Mareykanka
Next articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo xilka ka qaaday Wasiir, mid kalena ku bedelay (Akhriso)