Home Wararka Maanta inkabadan 50 Gantaal oo lagu Garaacay Gudaha Israail

inkabadan 50 Gantaal oo lagu Garaacay Gudaha Israail

0

Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa gantaallo ku garaacday waqooyiga Israa’iil, kadib weerar ay Israa’iil ku qaadday magaalada koonfureed ee Nabatiyah oo ay ku dhinteen 10 qof.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ilaa 50 gantaal lagu garaacay magaalada Ayelet HaShahar ee waqooyiga dalkaasi. Ma jiraan wax khasaaraha ah oo ilaa hadda la soo sheegay.

Wasiirka caafimaadka Lubnaan, Firass Abiad, ayaa sheegay in dhismaha la weeraray ee dalkaasi uu yahay xero ay ku jiraan qaxootiga Suuriya.

Balse Israa’iil ayaa sheegtay in ay fulisay weerar ka dhan ah saldhigga hubka ee Xisbullah.

Xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Lubnaan ayaa sii kordhaysay toddobaadyadii la soo dhaafay, kaddib markii Israa’iil ay Beyruut ku dishay taliye sare oo ka tirsan kooxdaas, kaasoo Xisbullah ay wacad ku martay inay u aargudi doonaan.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Cabdulkadir Ahmed Bayle
Next articleCabdifitaax Aada Xasan oo Raaligalin Ka Bixiyay Gafkiisii