Home Wararka Maanta Imaaraadka oo niyad jab ka muujiyay Dib u dhiska GAZA

Imaaraadka oo niyad jab ka muujiyay Dib u dhiska GAZA

0

La-taliyaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash, ayaa Arbacadii sheegay in dib-u-dhiska Gaza aanu suurtagal noqon karin haddii aan la helin waddo cad oo lagu gaaro xal laba dowladood oo ay ku heshiiyaan Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, sida ay werisay Reuters.

Isagoo ka hadlayay shirweynaha maalgashiga Investopia 2025 ee ka qabsoomay Abu Dhabi, Gargash wuxuu carrabka ku adkeeyay in maalgelinta mashruucu uu ku xirnaan doono xasilloonida siyaasadeed.

“Waa caddahay in xasillooni siyaasadeed iyo hannaan qorsheysan ay lama huraan u yihiin hirgelinta maalgashi ballaaran,” ayuu yiri Gargash.

Dowladaha Carabta ayaa ka fiirsanaya qorshe cusub oo ku aaddan Gaza marka dagaalku dhammaado, si ay uga hortagaan hindisaha madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo la sheegay inuu doonayo in marinka Gaza dib-u-habeyn lagu sameeyo lana hoos geeyo xukunka Mareykanka, taasoo keeni karta barakicinta Falastiiniyiinta—arrin si weyn uga carreysiisay hoggaamiyeyaasha gobolka.

Sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen warbaahinta, hindisaha uu hoggaaminayo Masar ayaa laga yaabaa inuu ka koobnaado maalgelin gaareysa illaa $20 bilyan oo laga heli doono waddamada gobolka muddo saddex sano ah.

Masar iyo Urdun ayaa todobaadkii hore shirar kula yeeshay dalalka Khaliijka magaalada Riyadh si ay uga arrinsadaan hindisahan, kahor shir degdeg ah oo lagu qaban doono Masar 4-ta Maarso, kaasoo si gaar ah diiradda loogu saari doono dib-u-dhiska Qaza.

“Waa lagama maarmaan in la helo caddeyn siyaasadeed kahor inta aan la maalgelin balaayiin doolar, si aysan xaaladdu ugu soo noqon khilaaf kale,” ayuu yiri Gargash. “Waxaan u arkaa in mowqifkaasi aad u cad yahay.”

Markii la weydiiyay in qorshaha Trump uu si ula kac ah u kiciyay dowladaha Carabta si ay iyagu qorshe ula yimaadaan, Gargash wuxuu ku jawaabay: “Madaxweyne Trump waa siyaasi wax ka beddela xaalado badan, nidaamka dowladaha Carabtana wuxuu la jaanqaaday caqabaddaas. Waxaan aaminsanahay in taasi ay fursad siisay nidaamka dowladaha Carabta inuu door firfircoon qaato.”

Ad
Previous articleDeni oo ku dhawaaqay in maantay Bilaabanaayo wajigii sadexaad ee Dagaalka Daacish
Next articleDagaal Culus oo ka socda koonfurta Gobalka Mudug