Imaaraat-ku halis weyn ayay u arkaan Fahad Yasin, oo danahooda kuwajahan Soomaaliya si ba’an uga soo horjeeda, hoolka doorashada iyo Sanduuqa Cod-bixinta labo jeer kujabshay damacooda oo ay soo bixi waayeen.
musharaxiintooda, 2022 wax kasta ayay Imaaraatku u marayaan sidii ay Sanduuqa faaiido ugu heli lahaayeen, hayeeshe dhabihii 2012 ilaa 2017 ka leexasho kuma sameynin, Qatar oo la aaminsan yahay in ay Fahad kudaaban tahayna wali wey wadaa dagaalkeeda.
Cida hadda mateleysay Imaaraatka waa RW Rooble & Labo kamid ah saaxiibadiisa Wasiirada ah.
Xukuumadda Doha, 2-dii xili doorasho ee 2012 & 2017, waxba Safiir iyo galaangal ah kuma laheyn doorashooyinka oo dhan.
xariirka kala dhaxeeyey Villa Soomaaliya-na ma wanaagsaneyn, balse damaceedu waa shaqeeyey, docda kale 2-da jeerba Imaaraatka oo saameyn xoogan kulahaa ilaa deegaanka Xildhibaanku kayimi waa ku khasaartay.