Home Wararka Maanta Imaaraadka Carabta oo soo saaray amar cusub oo lagu Caawinaayo Soomaaliya(Xog)

Imaaraadka Carabta oo soo saaray amar cusub oo lagu Caawinaayo Soomaaliya(Xog)

0

Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan oo ah guddoomiyaha hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ayaa amray in la xoojiyo howlgallada lagu caawinayo dadka ay abaaraha saameeyeen ee Soomaaliya.

Amarkan ayaa yimid kadib markii Sheikh Hamdan uu taleefonka kula hadlay ergada hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ee ku sugan Soomaaliya si ay barnaamijyo bani’aadaminimo uga fuliyaan gobollada ay sida darran u saameysay abaarta.

Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda bani’aadaminimo ee Soomaaliya siiyey madaxa ergada Bisha Cas ee Imaaraadka ee ku sugan Soomaaliya Mohamed Khamis Al Kaabi, kaasi oo sidoo kale faah-faahin ka siiyey sida ay howsha gargaarka u socoto illaa hadda. 

“Imaaraadka Carabta wax dadaal ah kalama hari doono caawinta dadka u baahan ee Soomaaliyeed iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyadooda iyo noloshooda,” ayuu yiri.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa illaa hadda ah kan kaliya ee gargaarka soo gaarsiiyey dadka ay abaartu saameysay ee Soomaaliya, ayada oo laba goor ay magaalada Muqdisho yimaadeen diyaarado gargaar sida.

Imaaraadka ayaa gargaarka billaabay kadib markii uu sidaas ka codsaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ka raali-geliyey sidii ka baxsaneyd nidaamka diblomaasiyadda ee dowladda federaalka ay ula dhaqantay 2018-kii kadib markii ay garoonka Muqdisho kula wareegtay lacag ay leedahay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDadka Madowga ee Sweden ku nool oo la Kulma Naceyb
Next articleGo’aano adag oo kasoo baxay Shir ay yeesheen Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Mudulood iyo Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Qayb galay