Home Wararka Maanta Imaamkii xabsiga Maraykanka ee toogashadiisa dad badan oo Soomaali ka mid tahay...

Imaamkii xabsiga Maraykanka ee toogashadiisa dad badan oo Soomaali ka mid tahay ka naxeen

0

Marcellus Williams ayaa la toogtay habeenkii Talaadada ee gobolka Missouri ee Mareykanka ka dib markii uu labaatan sano ka badan uu ahaa dil suge.

Williams, oo laba mar oo hore ka badbaaday dil toogasho, ayaa ku adkeystay inuu qof ahaan aanu qayb ka ahayn, toorriyayntii dhimashada keentay 1998 ee Felicia Gayle oo lagu dilay magaalo ku taalla agagaarka St. Louis.

Xilligan dad badan oo kala duwan ay ka soo horjeeday xukunka dilkiis.

Qareen u doodayay Williams ayaa ku dooday in takoorid dhinaca midab-takoorka ah laga sameeyay xulashada xeer-beegtida, iyo in caddeynta DNA-ga ee kiiska si khaldan loo maamulay.

Williams waxaa laga diiday codsi uu u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo ahaa inuu helo muddo yar oo hakad ah, ka dib markii maxkamadda ugu sareysa Missouri iyo guddoomiyaha gobolka ay diideen codsigiisii cafiska horaantii toddobaadkan.

Si aan caadi ahayn, saddex garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Mareykanka – Sonia Sotomayor, Elena Kagan, iyo Ketanji Brown Jackson – ayaa Talaadadii sheegtay inay khilaafsan yihiin aqlabiyadda muxaafidka ah, waxayna sheegeen inay siin lahaayeen hakad. Wax sabab ahna ma aysan bixin.

Agaasimaha isgaarsiinta ee Waaxda Xabsiyada Missouri, Karen Pojmann, ayaa sheegtay in aanay jirin cid ka socota qoyska Ms Gayle oo goob joog ka ahayd dilka, sida ay ku warantay CBS oo ah la-hawlgalaha BBC-da ee Mareykanka.

Wiilka Williams iyo labo ka mid ah qareenadiisa ayaa goob joog ahaa.

Intii uu socday maxkamadayntiisa, dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Williams uu galay guriga Ms Gayle bishii Ogosto 1998, isagoo mindi 43 jeer ku dhuftay ka hor inta uusan qaadan boorsadeeda iyo laptop-kii ninkeeda.

Ms Gayle waxay ahayd shaqaale bulsho iyo wariye hore oo ka tirsan St. Louis Post-Dispatch.

Qareennada u doodayay Williams ayaa sheegay in ay jireen walaacyo ku saabsan habka loo maamulay kiiska, iyagoo ku dooday in xeer-beegti madaw ah si khaldan looga reebay maxkamadayntiisa.

Waxay kaloo sheegeen in aysan jirin caddeyn baadhis ku timi oo xidhiidhinaysa Williams iy ogoobta dembiga, si khaldanna dhanka baadhista DNA-da loo maamulay.

Dacwad-oogaha maxkamadda ayaa sheegay inuu raacay habraaca xilligaas isaga oo taabtay hubkii dilka iyada oo aan galoofyo loo xirin ka dib markii lagu baaray sheybaar dembi baaris ah.

Williams wuxuu codsaday cafis ka yimaadda guddoomiyaha Jamhuuriga ee Missouri, Mike Parson, laakiin waa laga diiday.

“Waxaan rajeyneynaa in tani ay soo afjarto kiiska muddada dheer qaatay oo dib u dhaawacaya qoyska Ms Gayle,” ayuu yidhi Parson oo hadal soo saaray.

“Ma jiro xeer-beegti ama garsoore waligiis ku raacay sheegashada Williams ee ah inuusan dembiile ahayn ay tahay mid la rumaysan karo.”

Dadka badan, oo ay ku jiraan taajirka reer Ingiriis Richard Branson, ayaa ka soo horjeestay dilkaas, kaasi oo ahaa kii saddexaad ee sannadkan ka dhaca Missouri.

Mr Branson wuxuu u sheegay BBC-da Talaadadii hore inuu si weyn u daraaseyey diiradda saaray kiiska Williams. “Waa qof aan waxba galabsan,” ayuuna ku soo koobay.

Qoyska dhibbanaha ayaa taageeray xukun ah xabsi daa’in halkii laga dili lahaa, halka dacwad-oogeyaasha deegaanka ay ku doodayeen in laga noqdo xukunka.

Dilkiisa ayaa hore loo baajiyey laba jeer oo hore- mar 2017 iyo mar 2015 – kadib markii laga helay baadhidda DNA qof kale oo aan wax xdhiidh ah la lahaynWilliams.

“Natiijadan ma aysan adeegsan danaha caddaaladda,” ayuu Mr. Bell ku yiri bayaan Talaadadii. “Haddii xitaa uu jiro shaki yar oo ah dembi-la’aanta, xukunka dilka waligiis ma noqon karo mid la isticmaalo.”

Midwest Innocence Project, oo ah koox sharci oo qareennadeedu matalayeen Williams, ayaa isku dayay in ay heshiis la gaadhaan xafiiska dacwad-oogaha si Williams uu qirasho aan diidmo lahayn ugu sameeyo dilka heerka koowaad, iyadoo xukunku noqon doono xabsi daa’in.

Laakiin Maxkamadda Sare ee Missouri waxay ka hortagtay heshiiskaas waxayna go’aamisay in xukunka dilka la adkeeyo.

“Sheekada Mr. Williams waxay ka tarjumaysaa sheekooyin aad u badan oo dadka kale ku dhacay oo ay qabteen nidaamka sharci ee waddankeena ee burbursan,” ayay baahiyeen bahda Innocence Project bayaan ay soo saareen

“Nin Madow oo loo xukumay dilka haweeney caddaan ah, Mr. Williams wuxuu ku adkeysanayey in uu danbi la’aan ahaa tan iyo daqiiqaddiisii u danbaysay”

Ad
Previous articleSaacada Ka Hor ayaa Loo Dalacsiiyay Darajada Sareeyo Gaas Wax Yar kadibna Wasiir Ayaa Loo Magacaabay
Next articleAsad Diyaano Maantay Ma lamagaacaabi Doonaa?